Ma xalaad khatar ah ayaad ku sugantahay? Ma u baahantay gargaar degdeg ah?
Wac: 112
Lambarka 112 ayaad wacaysaa, haddii adiga ama cid kuu dhawi ay la kulanto shil culus, haddii adiga ama cid agtaada joogtaa u xanuusato si degdeg ah, marka dab ama wax kale dhacaan oo loo baahanyey in loo waco ambalaas, boolis ama dabdemis.
112 waa lambarka dhibaatooyinka degdeg ah ee bulshada. Waxaanad ka soo wici kartaa meelkasta oo aad joogtid, telefoonka guriga iyo ka gacanta labada.
Marka aad wacdo 112 waxaad la hadlaysaa xarunta laarmiga ee SOS Alarm. Halkaas waxaa kaaga jawaabaya qof ka mid ah shaqaalaha SOS oo kaa codsanaya inaad ka sheekayso:
- Waxa dhacay
- Meesha wax ka dheceen
Isku day in aad si degen u sharraxdo waxa dhacay. Qofka u baahan caawimada iyo sababta. Ma cid ayaa halis ugu jirta gubasho mise cid ayaa wax yeello la geystay? Hadduu shil dhacay: Ma jiraan cid dhaawac soo gaadhay? Waa imisa qof sideebayse wax u gaadheen?
Si cad u tilmaan meesha gurmadka loo soo dirayo. Magaca, ciwaanka iyo telefoonka.
Shaqaalaha SOS, wuxuu u baahanyey warbixintaas si uu u garto gurmadka kuu fidin kara caawimada ugu fiican ee ugu dhakhsaha badan. Shaqaalaha SOS wuxuu kaloo u baahan karaa warbixin dheeraad ah xiitaa marka caawimadu dhexda ku soo jirto. Sidaa darteed waa inaad telefoonka ku sii jirto waxoogaa ama meesha aad sii yara joogto.
112 waa lambarka dhibaatooyinka degdega ah ee bulshadu gaarka u leedahay. SOS Alarm waa heegan afar iyo labaatanka saacadood, si ay isugu xidhaan adeegyada badbaadineed ee bulshada. Haddaba lambarkan 112 waxaad wacdaa oo kelia marka aad ku sugantay xaalad halis ah oo aad u baahantay gurmad degdeg ah, haddii kale wicistaadu waxay habsaamin kartaa caawimo muhiim u ah dad shil ku dhacay ama ku jira xaalad halis ah.
Haddii aanay aad degdeg u ahayn, waxaad wacdaa telefoonada gargaarka ee meesha aad degentahay ee ku qoran buuga telefoonada jeldigiisa oo gudaha ah.
SOS Alarm waxaa ka shaqeeya rag iyo dumar labadaba, si ay uga jawaabaan telefoonada dadka dhibaataysan. Maskaxda ku hay markaad soo wacayso 112, in adiga ama qofka ku caawinayaa uu yaqaan af iswiidhish ama ingiriisi si shaqaalaha SOS ay kuu fahmi karaan isla markaana kuugu yeedhaan caawimada loo baahanyey. SOS Alarm waxay qabsan karaan turjumaan laakiin haddii caawimo degdeg ah loo baahanyey, waxaa dhici karta in la haleeli waayo turjumaanka.