Af-soomaali

Haddii gargaar degdeg ah aad u baahan tahay wac: 112

Wac 112 haddii qof agagaarkaaga ku sugan u hab lama filaan ah u xannunsado, ama u dhaco shil culus.

Wac 112 haddii dab u kaco ama ay dhacaan dhacdoono kale u baahan in loo yeero gaadiidka bukaan sodocdka, ciidanka booliska ama ciidanka dabdemiska.

112 waa lambar xubnaha bulshada ay wacaan haddii gurmad degdeg ah loo baahdo. Waxaana ka soo wici kartaa meel kasta oo aad joogtid, taleefanka guriga iyo kan gacanta ba.

Marka aad wacdo 112 waxaad xiriir la yeelanaysa SOS Alarm oo ah xarunta gargaarka degdegga. Waxaa taleefanka ka qabanaayo hawlwadene oo ku waydiinaayo:

  • Wixii dhacay?
  • Goobtii ay ka dhacdayIyo?
  • lambarka taleefanka aad ka soo wacayso?

Isku day inaad hab xasilan u sharraxdo wixii dhacay. Teeda kale ka jawaab dhammaan su'aalaha lagu waydiiyo, tusaale: Yaa u baahan gargaarka degdegga iyo sababta? Ma qof baa xoog-muquunis loo geeystay ama halis kale? Ma dad dhaawacan ayaa jira? Immisa qof ayaa dhaawacan iyo sidee wax u gaareen?

Sida loo shaacbixiyo caawindaad loo bahan yahay wuxuu hawlwadeneha SOS ku waydiinaya su'aallo. Teeda kale waxaa suurtagal noqon karto in hawlwadeneha SOS, kaaga baahdo warbixin dheeraad ah, sida markii gaadiidka bukaan sodocdka, ciidanka booliska ama ciidanka dabdemiska ay soo dhaqaaqaan. Sidaas awgeed, taleefanka ha dhigin ama goobta ha ka dhaqaaqin.

Hawlwadeneyada SOS waxay ka kooban yihiin dumar iyo rag ba, kuwaaso xilsaaran in ay ka jawaabaan codsiga gargaaryada degdegga. Dhammaan shqaalaha SOS waxay ku hadlaan af-iswiidish iyo af-ingriisi. Sidaas awgeed, isku da'y adiga ama qof kale in af-iswiidish ama af-ingriisi ku qeexdaan wixii dhacay. Taasoo hawlwadeneyada SOS u suurtagelinayso in daahid la'aan soo diraan gurmadka dhacdoonka ku habboon. Marmar waxaa loo yeeri kara qof turjubaan ah, laakinse mar kasta lama heli karo fursadaas.

Lambarka 112 waa lambarka gurmadka ee bulshada. Lambarkaaso qura wuxuu kula xiriirinayaa dhammaan laamaha gurmadka ee bulshada. Laakinse adeegso lambarka 112 markii gargaar degdeg ah aad u baahan tahay oo qura oo ay jirto xaalad degdeg ah. Haddii kale wicidaada waxay keeni kartaa in laga daaho dhacdoon kale oo u baahnaa gargaar degdeg ah.

Haddii arrintaada aysan ahayn arrin degdeg ah, waxaad wici kartaa lambarka caawinaadda, kaasoo laga heli buugga taleefanada degmada.

Lambarka 112 waxaa mar kasta ka qabanaayo hawlwadeneyada SOS. Habeen iyo maalin iyo saacad kasta isniin ka isniin ayee shaqeeyaan. Lacag la'aan ayaa 112 wici kartaa. Lambarka 112 waxaa laga adeegsada Yurub oo idil.

Warbixintaan daabaco, kadib dhigo aqalka, goobta shaqada ama dugsiga.